Maamulka Kulliyadda culuumta Batroolka iyo Injineeriyadda “Petroleum Engineering” ayaa soo agaasimay safar waxbarasho oo ku aadan barashada lakabyada dhulka iyo sahminta shidaalka.
Ardayda kulliyadda, macallimiin iyo maamulkooda oo wadajira ayaa u ambabaxay deegaanka ku teedsan xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho.
Inta lagu guda jiray safarka, macallimiintu waxay ardayda la wadaageen khibradooda ku aadan qaababka kala duwan ee loo sameeyo sahanka wanaagsan ee shidaalka.




























