Kulankaan oo ahaa mid bilowga semester walba la qabto ayaa waxaa uu ka dhacay hallka Cusub ee Jaamacadda

Kulankaan oo ahaa mid bilowga semester walba la qabto ayaa waxaa uu ka dhacay hallka Cusub ee Jaamacadda, waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha Jaamacadda Somaville Dr Abdinuur Sheekh, Maamulaha guud ee Jaamacadda Dr Cabdisamad Sheekh Yuusuf, Deans kuliyadaha kala duwan, Maamulayaasha ah xarumaha jaamacadda iyo Guud ahaan Macalimiinta jaamacadda Somaville ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa ujeedkiisa u ahaa sidii la isaga wareysan lahaa wax u qabsoomay jaamacadda Sannadkii tagay gaar ahaan semester kii ugu dambeeyay, caqabadaha jiray iyo sida loogu diyaar garoobayo semester ka bilaabanaya, sidii loo diyaarin lahaa garaadka iyo maanka ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada, usoo doontay jaamacadda ayada oo la eegayo in macalimiinta ay la jaanqaadaan habka iyo habraacyada ay jaamacadda u dajisay waxbarashada jaamacadda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Dr Cabdinuur Iyo Maamulaha guud ee Jaamacadda Dr Abdisamad Sh Yusuf Mohamoud ayaa kula dardaarmay macalimiinta in ay laba jibaaraan dadaalkooda.

Scroll to Top