Madaxda Jaamacadda Somaville Ee Galmudug iyo Guriceel
Madaxda Jaamacadda Somaville Ee Galmudug iyo Guriceel Ayaa Booqday Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Cumar Binu Cabdicasiis.
Madaxda Jaamacadda Somaville Ee Galmudug iyo Guriceel Ayaa Booqday Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Cumar Binu Cabdicasiis.
Jaamacadda Somaville iyo dhamaan bahda kulliyadda umulisooyinka waxay maanta u dabaal dageen xuska maalinta umulisada adduunka 5ta may , Waxaa soo agaasimay hormuudka kulliyadda waxaana kasoo qaybgalay macallimiin maamul iyo arday intaba
Ardayda Kulliyadda Civil Engineering ee Jaamacadda #Somaville ayaa tababar aqoon kororsi ah ku tagay dhisma cusub ee degmada wadajir laga bilaabay aas aaskiisa Macallimiinta Kulliyadda ayaa ardayda siinayay casharada ay fasallada ku dhigtaan oo Practical ah.
Jaamacadda Somaville ayaa u qabatay ardayda fasalka 12aad (Form 4) Seminaar ku saabsan u diyaargaroowga imtixaanka Qaranka. Seminaarka ayaa ka dhacay hoolka seminaarada ee jaamacadda somaville. Sidoo kale jaamacadda ayaa sanadwalba qabata tartannada ramadaanka ee ka baxa idaacadda kulmiye, si loo kobciyo garaadka ardayga soomaaliyeed Jaamacaddu waxay sii wadi doontaa kobcinta garaadka ardayda soomaaliyeed waana …
Xaflad Ballaaran oo lugu Daahfurayay Jaamacadda Somaville Faraceeda Guriceel Ayaa Lugu Qabtay Degmada.
Wafdi uu hogaaminaayo guddoomiyaha jaamacadda Dr Abdinur sheekh Axmed ayaa gaaray degmada guriceel ee gobolka galgaduud, ujeedka safarka ayaa ah inay daah furaan xarunta cusub ee jaamacadda somaville , sidoo kale waxay booqan doonaan degmooyin kale oo ka tirsan gobolka.
MUUQAAL: Soo Dhowaynta Guddoomiyaha Jaamacadda Somaville University Faraca Muqdisho Ee Degmada guriceel. Hammoogaanin Xafladda Daahfurka Somaville University -Hir-Gal Campus oo Caawa Guriceel Ka Dhici Doonta.
Kulan Dalxiis iyo isbarasho ah oo ay Soo agaasimeen Midowga Ardayda Jaamacadda Somaville-SUSU iyo maamulka jaamacadda ayna ka qeyb galeen Maamulka jaamacadda, Macallimiin, Xukuumadda Ardayda, Kaaba-galaasyo iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe. Soo dhaweynta Bahda jaamacadda Somaville waxaa qeyb ka qaatay qaar kamid ah ardayda Jaamacadda oo deegaankoodu yahay …
Guddoomiyaha Jaamacadda #Somaville Dr Cabdinuur Sheekh ayaa u ballanqaaday midowga Ardayda Jaamacadda iyo Xukuumadooda in si fiican ay u garab istaagi doonaan Maamulka Jaamacadda.
Hassan Mohamed Hassan Maamulaha qaybta Zoobe ee Jaamacadda Somaville ayaa maamulka cusub ee ardayda ugu duceeyay in uu Alle u fududeeyo shaqada loo igmaday.